Jubaland oo diiwaan-gelisay kiisaskii ugu horeeyay oo ah Covid-19

Image

KISMAAYO, Jubaland – Guddiga ka hortagga Coronavirus ee Jubaland ayaa ku dhawaaqay kiisaskii ugu horeeyay oo fayruska safmareenka ah ee Corona.

Maxamed Warsame Darwiish, wasiirka arrimaha gudaha maamulkaas ahna gudoomiyaha guddiga, ayaa sheegay in xaaladaha laga helay Kismaaayo.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Mr Darwiish ayaa shaaca ka dhigay in shaqsiyaadka oo laba ah ay haatan ku karantiilan yihiin Isbitaalka guud ee magaaladda.

"Labadaan ruux ayaa noqonaaya kuwii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in ay qabaan xanuunka COVID-19 ee kusugan meel kamid ah dowlad goboleedka Jubbaland," sidaas waxaa baahiyey telefishinka ku hadla afka dowlad goboleedkaas.

Jubaland ayaa noqoneysa maamul goboleedkii saddexaad ee kamid ah Soomaaliya ee degaanadiisa uu dad kusoo rito caabuqaas dilaaga ah.

HirShabelle iyo Somaliland ayaa kasii horeeyay, balse Puntland waxaa laga waayey dhowr qof oo laga baarey isla markaana laga qaadey dheecaanadii.

Wasaaradda Caafimaadka federaalka ayaa horey u shaacisay in ay xarumaha maamulada ka dejisay qalabka lagu baaro xanuunka kadib markii ay soo iibisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM