Jubaland oo hakisay ka qeybgalka shirarka deyn cafinta Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Jubaland - Dowlad goboleedka Jubaland ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu ku dhawaaqay in uu joojiyey ka qeybgalka shirarka looga hadlayo arrimaha maaliyada iyo deyn cafinta Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda maamulka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa waxay shaacisay mowqifkaas.

Talaabadan oo kusoo aadeysa iyaddoo khilaafka xukuumada federaalka iyo maamulkan uu xoogeystay ayaa dharbaaxo ku noqon karta geedi u socodka oo u baahan in loo wada dhan yahay.

Sidda ku xusan bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, go'aanka ayaa salka ku haya ciidamada dowladdu geysay gobolka Gedo, cunaqabateynta hawada iyo wadashaqeynta oo "luntay".

Qaanta Soomaaliya looga leeyahay caalamka oo ah maalgelin la sameeyay kahor burburkii ayaa gaareysa 5.3 bilyan oo Doolar-ka Mareykanka, sidda laga soo xigtay Bangiga Aduunka iyo Hay'adda IMF.

Hay'adda Lacagta Aduunka ee IMF ayaa bishii hore ee Febraayo waxay iclaamisay in 100 dal ay balanqaadeen in ay maalgelin doonan deyn cafinta Soomaaliya.

Villa Soomaaliya ayaa mar sii horeysay lagu dhaliilay in ay "ujeedo siyaasadeed" u isticmaashay deyn cafinta iyo ciidanka, talaabadaas oo la sheegay in ay mugdi gelineyso doorashooyinka soo aadan.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM