Jubaland oo ka falcelisay qoraalkii muranka dhaliyey ee Mareykanka

Image

KISMAAYO, Jubaland – Maamulka Jubaland ayaa ka falcelisey qoraalkii kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxyar kahor war-murtiyeedkii laga soo saarey wejiga saddexaad ee wadahadalada Dhuusamareeb3.

Wasiirka warfaafinta maamulkan uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa meesha ka saarey in Puntland iyo Jubaland ay noqon karaan "qas-wadayaal" taas bedelkeedna ay ku taagan yihiin sharciga.

Mr Cabdi Xuseen ayaa ku nuux-nuuxsaday in cidda qaswade noqon karta ay tahay madaxda kasoo horjeeda ku dhaqanka dastuurka wadanka.

"U maleyn maayo hadda wax Soomaali ah oo labadooda [Puntland iyo Jubaland] ku macneenaya labadooda [maamulada] waa labada mar walba difaaca dadka sharciga ku xadgudubka ama madaxda ku xadgudubta mar walbana diida oo u taagan [in ay ka dhiidhiyaan] cid kasta oo shuruucda ku xadgudubta; hadii dastuurka ku meelgaarka ah lagu wada dhaqmi lahaa cid ka doodi lahayd ma jirto, cid xaq u lahaan lahayd in ay wax diido ma jirto; heshiisyadda ama go'aanada siyaasadeed ee la gaaro hadii lagu dhaqmi lahaa Jubaland iyo Puntland ma diidi lahayn, cidda diidana waa la og-yahay waligoona laguma tilmaamin, anigana kuwa leh ma maqal; una maleyn maayo in uu hadda Mareykan dhahayo arrintaas," ayuu u sheegay idaacadda BBC-da qeybta Soomaaliga.

Mr Xuseen oo sii hadlaya ayaa carabka ku adkeeyay in ay kalsooni ku qabaan in talaabooyinka ay qaadayaan waafaqsan yihiin sharciga.

Dhanka kale, mar wax laga waydiiyey heshiisyada uu Farmaajo ka saxiixdey hogaanka Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo gobolka Banaadir ayuu caddeeyay in maamulkiisa uusan qeyb ka ahayn.

"Go'aanka marka ay shiraan xubnaha Golaha Wasiiradda Jubaland ayuu soo bixi doonaa," ayuu ku yiri wareysiga oo socday afar daqiiqo.

Heshiiskan aan ku imaan wadar-ogolka isla markaana ay ka muuqdaan danaha muddo kororsiga Villa Soomaaliya iyo nooca doorasho ee ay dooneysay ayaa calaamad su'aal la gelinayaa qaabka uu ku dhaqan-gelayo.

Puntland iyo Jubaland oo kamid ah degaanada doorashooyinka ka qabsoomayaan ayaa ka qeybgalka DhuusamareebIII u diidey "maadaama Farmaajo khudbadiisa baarlamaanka ku muujiyey in aysan socon doonin wuxuusan rabin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM