Jubbaland oo dib u qaabayn mug leh ku sameynaysa dhakhliga

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan waxaana si gaar ah diirada loogu saaray xaaladaha amaanka iyo Siyaasada.

Golahu wuxuu ka dooday xaalada amaanka iyadoo Hay’adaha amaanka la faray inay dardar galiyaan howlgalada sugida amaanka.

Waxaa kale oo Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland iyo xooga dalka lagu amaanay siday u wadaan howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha Argagixisada ah.

Golahu wuxuu ka hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ay Argagixisadu ku beegsadeen muwaadiniin naftooda ku waayay iyagoo door muuqda kaga jira dadaalka dib u dhiska dalkeena.

Waxaa golahu uu uga mahad celiyay shacabka reer Jubbaland sida adkaysiga iyo dal jacaylka leh ee ay ugu dulqaateen wakhtiyadii adkaa ee ay soo mareen Shacabka Jubbaland taas oo ay qayb ka tahay xayiraada dhinaca hwada ah ee shacabka ay kusoo rogtay Dowlada Federaalka ah.

Dhinaca kale, wasaarada Waxbarashada ayaa soo bandhigtay sida ay muhiimka u tahay in la sameeyo dabagal dhab ah oo lagula soconayo sida Iskuulada Waxbarashada ay u hirgalin lahayeen Siyaasada Waxbarashada ee Wasaarada.

Wasaarada Maaliyada ayaa soo bandhigtay hanaanka Cusub ee dib u habaynta dhaqaalaha inay muhiim u tahay sidii sanadaha soo socda loo samayn lahaa dib u qaabayn xoog leh oo dhinaca dhakhliga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM