Jubaland oo shaacisay "cidda fududeysay" baxsashada wasiir Janan

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa markii ugu horeysay si furan uga waramay macluumaadyo kooban oo ku saabsan baxsashada Wasiirka Amniga maamulkaas, Cabdirashiid Janan.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Jubaland, oo u waramay idaacada Kulmiye ee Muqdisho, ayaa daboolka ka qaadey "in ay fududeeyeen" dhinacyo kala duwan.

Wallow uu diidey in uu magacaabo, Mr Xuseen ayaa daaha ka rogay in ay ku jiraan xubno ka tirsan laamaha dowladda federaalka Soomaaliya.

"Waxaan rabaa in aan u mahadceliyo cid walba oo nala garatay in Wasiirka lagu haystay si sharci ah," ayuu hadalkiisa ku daray.

Mar la waydiiyey in uu tafaasiil ka bixiyo qaabka uu doonta ku raacay ayuu ka gaabsaday, hase ahaatee, wuxuu qiray suurtagalnimada in ay Doonida ka qaadey degmada Warsheekh ee Shabeellaha Dhexe.

"Makuu sheegi karo halka uu ka baxay, maxaa yeelay aniga wali si toos ah iskuma hor-fadhiisan wasiirka kaliya telefoonka ayaanu ku wada hadalnay, laakiin waa suurtagal," ayuu xusay.

Jubaland ayuu sheegay "in aad uga shaqeysay fakadashada Janan", wuxuuna gabi ahaanba meesha ka saarey in lasii daayey mas'uulka.

Janan oo haatan ku sugan magaalada caasimada ah ee Nairobi ayuu caddeeyay in loo geeyay si loo hubiyo xaaladiisa caafimaad.

Gabagabadii, mar la su'aalay hadii uu baaqi kusii ahaan doono magaala madaxda Kenya ayuu kusoo xiray "Janan waa wasiirka amniga Jubaland, shaqadiisana sidda ugu dhow ayuu ugu soo laaban doonaa, dhowaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM