Jubaland oo shaacisay "cidda fududeysay" baxsashada wasiir Janan

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa markii ugu horeysay si furan uga waramay macluumaadyo kooban oo ku saabsan baxsashada Wasiirka Amniga maamulkaas, Cabdirashiid Janan.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Jubaland, oo u waramay idaacada Kulmiye ee Muqdisho, ayaa daboolka ka qaadey "in ay fududeeyeen" dhinacyo kala duwan.

Wallow uu diidey in uu magacaabo, Mr Xuseen ayaa daaha ka rogay in ay ku jiraan xubno ka tirsan laamaha dowladda federaalka Soomaaliya.

"Waxaan rabaa in aan u mahadceliyo cid walba oo nala garatay in Wasiirka lagu haystay si sharci ah," ayuu hadalkiisa ku daray.

Mar la waydiiyey in uu tafaasiil ka bixiyo qaabka uu doonta ku raacay ayuu ka gaabsaday, hase ahaatee, wuxuu qiray suurtagalnimada in ay Doonida ka qaadey degmada Warsheekh ee Shabeellaha Dhexe.

"Makuu sheegi karo halka uu ka baxay, maxaa yeelay aniga wali si toos ah iskuma hor-fadhiisan wasiirka kaliya telefoonka ayaanu ku wada hadalnay, laakiin waa suurtagal," ayuu xusay.

Jubaland ayuu sheegay "in aad uga shaqeysay fakadashada Janan", wuxuuna gabi ahaanba meesha ka saarey in lasii daayey mas'uulka.

Janan oo haatan ku sugan magaalada caasimada ah ee Nairobi ayuu caddeeyay in loo geeyay si loo hubiyo xaaladiisa caafimaad.

Gabagabadii, mar la su'aalay hadii uu baaqi kusii ahaan doono magaala madaxda Kenya ayuu kusoo xiray "Janan waa wasiirka amniga Jubaland, shaqadiisana sidda ugu dhow ayuu ugu soo laaban doonaa, dhowaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM