Jubaland oo shaacisay natiijada qof laga baarey fayruska Corona

Image

KISMAAYO, Jubaland – Guddiga Jubaland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo ka hortagga faafitaanka Coronavirus ayaa shaaciyey natiijadda ruux looga shakiyey cudurkaas oo ku sugan magaalada Dhoobley.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in max-suulka baaritaanka ay noqotay in qofkaas laga waayey xanuunkaas.

"Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubba hoose ayaa maalmo ka hor laga helay ruux lagu arkay calaamadaha xanuunka kadibna baaritaan ayaa lagu sameeyay, Waxaana loo diray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, Daqiiqo kahor ayuu guddigu u xaqiijiyay in Kiiskaas laga waayay xanuunka," aaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo soo baxay xalay.

Bayaanka ayaa nan lagu bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan shaqsigaas. Fahfaahinta muhiimka ah ee loo baahan yahay waxaa kamid ah; meesha uu ka yimid iyo sidda xaaladiisu tahay haatan.

Jubaland ayaa horey u sheegtay in magaalada Kismaayo laga helay laba xaaladood caabuqaas ah. Balse wararku waxay sheegayaan in ay baxsadeen, wallow aysan jirin cid mas'uul ah oo ka jawaabtay.

Kismaayo ayaa lagu soo rogay bandow habeenkii ah, kaas oo todobaadkii ah hore dhaqan-galay. Ciidamadda Booliska ayaana fulinaya.

Guud ahaan Soomaaliya, kiisaska Covid-19 ayaa gaaraya 135. Wasaaradda Caafimaadka waxay sheegtay in ay badan karaan. Dadweynaha ayay ku tartarsiisay in ay muujiyaan taxadar badan dheeraad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM