Jubaland oo shaki ka muujisay warka DF ee "baxsashada" Janan

Image

KISMAAYO, Jubaland - Jubaland oo ka falcelisey warka kasoo yeeray booliska Soomaaliya ee ku saabsan in uu baxsaday Cabdirashiid Janan ayaa u tilmaamtay "mid shaki gelinaya bad-qabka wasiirka".

Maamulka madaxweyne Axmed Madoobe oo war-saxaafadeed kasoo saarey qadiyadan ayaa ka codsaday madaxda dowladda federaalka in ay meel ku sheegaan "raq ama ruuxda wasiirka".

"Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u sheegeynaa in xukuumadda federaalka qaadeyso wixii ku dhaca wasiirka," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka oo uu arkay GO.

Cabdirashiid Janan ayaa la qabtay bishii August 31-keedii sannadkii aynu soo dhaafnay 2019, waxaana dawladda Soomaaliya ay ku eedaysay inuu galay "dambiyo culus".

Xariggiisa ayaa waxaa cambaareeyey dowlad goboleedkeediisa Jubbaland oo ku qeexay "afduub iyo talaabo baalmarsan dastuurka qabyadda ah ee waddanka u yaala".

Dhinaca kale, qabashadiisa waxaa soo dhoweeyey hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International oo ku baaqday in maxkamad lasoo taago.

Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa illo wareedyo waxay kasoo xigatay in halka uu ka baxsaday "la geeyay shan maalmood ka hor".

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in goobta uu ka fakaday ay ku dhow xarunta nabad-sugida Soomaaliya ee loo yaqaano Habar Khadiijo kaabigana ku haysa Madaxtooyadda.

"Wuxuu adeegsaday meel daaqad ah markii uu baxsanayey," ayay yiraahdeen illo wareedyadda u waramay idaacada VOA-da, oo soo bandhigtay sawir lagu tilmaamay in uu yahay "meesha uu ka baxsaday".

Hoos ka akhriso qoraalka Jubaland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM