Jubaland oo war kasoo saartay "qabsashada" DF magaalooyinka Gedo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay "in ay si buuxda ula wareegtay" gacan ku haynta magaalooyinka Beledxaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo.

Ciidamada si gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haram-cad, kuwaasoo uu Turkigu tababaray, ayaa qabsaday magaalooyinkaas saacadihii dambe ee shalay oo Talaado ahayd.

Cutubyadan ayaa diyaarado looga daabulay magaala madaxda waddanka ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo dhowr ah.

Saacado kahor inta aysan la wareegin Beledxaawo, wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan, ayaa tegay halkaas, isagoo la kulmay saraakiisha ciidamadda iyo maamulka.

Cabdi Xuseen Sheekh Axmed, wasiirka warfaafinta maamulka Jubaland, oo xaqiijiyey in magaalooyinkaas ay ka baxeen gacanta maamulkooda, ayaa ka digay gacan ka hadal ka dhaca.

"Annaga ma dooneyno in ay xabad dhacdo, laakiin waxaa arrintaas u muuqaneysa mid diyaar u ah dowladda oo kusii dhawaaneysa magaalooyinka," ayuu u sheegay warbaahinta.

Wuxuu raaciyey: "Dowladdu waxay leedahay Al-Shabaab ayaan la dagaalameynaa, ha ogaadaan Shabaab ma joogaan gudaha magaalada, duurka ayey ku jiraan".

Cilaaqaadka Villa Soomaaliya iyo Jubaland ayaanan wanaagsaneyn wixii ka dambeeyay doorashadii uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Bilooyinkii u dambeeyay xukuumada federaalka ayaa xusul-duub ugu jirtay in ay la wareegto Gedo, si ay uga dhisto maamul ka madax banaan Jubaland, talaabadaas oo laga digay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM