Jubbaland iyo AMISOM oo wada sugaya amniga doorashooyinka

Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa Isniinta maanta ah wuxuu qaabilay taliska howlgalka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM].

Kulanka Axmed Madoobe iyo taliyaha howlgalkaasi, Tigabu Yilma Wondimhunegn, ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku saabsan kaliya amniga doorashooyinka.

Xafiiska hogaamiyaha maamulka fadhigiisu yahay Kismaayo ayaa wuxuu gaashaanka u daruuray in wax siyaasad ah lagu soo qaaday shirkaasi gaarka ah.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa shaaciyey in dhinacyadda ay isla meel-dhigeen shan qodob oo kala ah;


Dardargelinta amiga iyo dagaalka Al-Shabaab

In aysan AMISOM farogelineyn doorashooyinka

In ciidamada booliska AMISOM iyo kuwa Jubbaland ay sugaan amniga doorashooyinka

Dib u soo celinta shirarkii bilaha ee labada dhinac

Xorreynta degaanada ay Al-Shabaab haysato


"Waa waxbo kama jiraan in AMISOM ay farogelineyso doorashooyinka Jubbaland," ayuu mudane Sayid yiri, isaga oo ka jawaabaya warar soo baxayey.

Is-afgaradkan ayaa imaanaya iyada oo maamulka Axmed Madoobe uu dhowaanba ku adkeysanayay in ciidamada dowlad goboleedkaasi ay sugayan amniga doorashada, kana diiday dowlada federaalka.

Doorashadda Jubbaland oo aad isha loogu hayo ayaa loo balansan yahay 24-ka bisha August ee sanadkan 2019, iyadda oo ay haatan socoto soo xulista Xildhibaanadda cusub, wallow aad loo dhaliilayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM