Jubbaland oo amar kusoo rogtay shirarka lagu qabanayo Kismaayo

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah, 19 September 2019, shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada.

Kulanka ayaa looga hadlay arimo kala duwan sida nabadgalyada, waxaana la isku raacay in dhamaan shirarka iyo kulamo ruqsad la'aan ah aan lagu qaban karin Kismaayo laga bilaabo 20 bishan.

Ciidamadda ammaanka ayay wasiiradu si wadar ogol ah isugu raaceen in ay muhiim tahay in amar lagu siiyo in ay galaan heegan ayna muujiyaan feejignaan buuxda.

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay howlaha ay hormuudka ka tahay Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland ee la xiriira dhamaynta tabashooyinkii ka dhashay Doorashadii Madaxweynaha ee 22 Ogoosto.

"Golaha Wasiiradda Jubbaland ayaa bogaadiyay sida howlahaas ay Wasaaradu ilaa hada u wado guulaha badana looga gaaray," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirkaas.

Ugu danbayn, waxay isl ameel-dhigeen in xaalado dhinaca nolosha ah ay ka jiraan deegaanada Jubbaland kuwaas oo u baahan gurmad deg deg ah, wallow aanan la fahfaahin.

"Waxaana la faray dhinacyada ku shaqada leh inay warbixino dhamaystiran ka keenan oo lagu howlgalo," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka oo uu arkay Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM