Axmed Madoobe oo hoos u dhigay dalabyo uga yimid Beesha Caalamka

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Beesha Caalamka.

Wafdiga oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay, James Swan waxaa qayb ka ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

Dhinaca dowlad goboleedka, waxaa madaxweynaha shirkan ku wehelinayay, madaxweyne ku xigeenada labadda ah iyo wasiirada arimaha gudaha iyo amniga.

Xafiiska Axmed Madoobe ayaa sheegay in kulanka looga hadlay hanaanka doorashada iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.

Sidda ku xusan war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda maamulka Kismaayo, Swan ayaa madaxweynaha hor-dhigay laba codsi kuwaasi oo kala ahaa sida hoos ku xusan;

In fursad la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada

In wax ka badal lagu sameeyo shuruudaha musharaxiinta madaxweynenimo ee Jubbaland

"Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Beesha Caalamka u sheegay inuusan sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada, gudiga xuduudaha iyo doorashooyinkana ay howshaa tahay shaqadooda," ayaa lagu yiri bayaanka.

War qoraal ah oo uu guddigu soo saarey Arbacadii ayay ku sheegeen in gudoonka baarlamaanka la dooran doono 17-ka bishan, halka madaxweyaha loo coddeyn doono 19-ka.

"Ugu dambayntii, waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka Doorashooyinka Jubbaland," ayaa lagu yiri warka.

Dhinaca kale, saaxiibadda Soomaaliya illaa iyo haatan dhankooda wax war ah kama aysan soo saarin kulanka gaarka ah oo ay la yeesheen madaxweynaha Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray

Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 08:13PM

Beesha Caalamka oo ka Dooday Cunaqabatayn iyo Isbeddel Siyaasadeed iyadoo Xiisadda Soomaaliya Sii Kordhayso

Qodobada miiska saarnaa ayaa waxaa ka mid ahaa suurtagalnimada in la tixgeliyo siyaasadda World Bank ee loo yaqaan OP 7.30.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 11:27AM