Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqdey in berri ay Ciid tahay

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Sheekh Nuur Maxamed Xasan, ayaa wuxuu shaaciyey in berri ay tahay Ciid kadib markii la arkay bisha Shawaal.

Dowlad goboleedka Jubbaland ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa kahor shaacinta wasiirka wuxuu ku dhawaaqay in berri ay tahay Ciid.

Agaasimaha waaxda Diinta iyo Awqaafta ee wasaaradda Caddaaladda, Garsoorka iyo Arrimaha Diinta maamulkaas ayaa xusay in bisha Shawaal laga arkay qaybo kamid ah waddanka.

Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa degaanada laga arkay bisha ku kala sheegay; Xayo, Qooqaanni, Taabto, Filfilaah iyo Waraha Dhoobley oo hoostaga ismaamul goboleedkaas.

"Sidoo kale waxaa laga arkay deegaanka Gamboole oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, Ufurow oo katirsan gobolka Bay," ayuu raaciyey kadib shir jaraa'id uu ku qabtay Kismaayo.

Dhawaqa kasoo yeeray Jubbaland ayaa yimid saacado kadib markii wasiir Nuur uu tibaaxay in aysan wali xaqiijin in bisha laga arkay qabo kamid ah waddanka.

"Annaga waxaan arrimaha Diinta mas'uul uga nahay Ummadda Soomaaliyeed waxayna naga ahayd in aan wax sugan lehno sidda hadda dhacday, Ciid wanaagsan ayaan leeyahay dhamaan Ummadda Muslimiinta gaar ahaan bulshadda Soomaaliyeed," ayuu ka yiri baahin gaar ah oo warbaahinta Qaranka ay ka sameysay munaasabadan.

Sheekh Nuur oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in sideed ruux oo ku kala sugan Muqdisho, Qoryooley iyo Doolow ay soo wariyeen lagana xaqiijiyey in ay arkeen bisha Shawaal.

Dhowr jeer ayay horey uga dhacday qaybo kamid ah Soomaaliya in lagu kala qeybsanayo dabaaldega Ciidda, balse waxaa sanadihii lasoo dhaafay muuqaneysay in laga gudbayo khilaafka oo dhanka koonfurta ku badneyd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM