Jubbaland oo ka digtay "abaabul" ay wado dowladda federaalka

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxa uu digniin kasoo saarey "duulaan iyo xasarado" ay abaabuleyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in qorsheyaashaasi ay ka dhan yihiin caasimadda ku meel gaarka Jubbaland ee Kismaayo.

Dhinaca kale, bayaanka ayaa waxaa lagu xusay in xayiraadda dhanka duulimaadka oo ay dowladdu kusoo rogtay Kismaayo ay sii xumeysay xaaladaha bini'aadanimo.

Xiriirka Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa xumaa mudooyinkii dambe iyadda oo Beesha Caalamka ay isku dayeyso in ay qaboojiso labada dhinacna u kala dab-qaado.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM