Jubbaland oo ka jawaabtay qoraalkii kasoo baxay Villa Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Dowlad goboleelka Jubbaland oo ka jawaabay qoraalkii saaka kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu baalmarsan yahay dastuurka qabyadda ah ee u yaalla waddanka.

Villa Soomaaliya oo shaacisay in ay madaxweyne ku meelgaar ah u aqoonsatay Axmed Maxamed Islaam, xil-heyntiisu tahay laba sano uguna baaqdey "in uu la heshiiyo dhinacyaddii diidey doorashadiisa".

Hase ahaatee, waxaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay maamulka Axmed Madoobe oo ku adkeystay in uusan jirin aqoonsi ay hogaanka maamulada uga baahan yihiin dowladda federaalka ah.

Dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa xeerinaya in baarlamaanadda maamul goboleedyadda ay dooranayaan madaxda dowladaha xubinta ka ah federaalka, iyadoo aysan faragelin xukuumadda federaalka.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa isku dayday in ay saameyn ku yeelato doorashadii ka dhacday Kismaayo, iyaddoo garab ka heleysa Itoobiya, balse waxay kala kulantay waji gabax xoogan.

"Muddo xileedka hay'addaha la doorto ee Jubbaland waa afar [4] sano sidda ku qeexan qodobka 70aad ee dastuurka dowlad goboleedka Jubbaland. Sidaas darteed, ma jirto cid si gaar ah oo go'aan uga gaari karta muddo xileedka iyo doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland si aan waafaqsaneyn dastuurka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe.

Dhanka kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu soo dhaweeyay baaqii Aqalka Sarre iyo xukuumadda federaalka ee ku aadanaa in waqtigeeda lagu qabto doorashadda iyo qabashada shirka looga hadlayo arrimaha masiiriga ah.

Hoos ka akhriso jawaabtay Jubbaland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM