Jubbaland oo qabatay "shaqsigii abaabulay" weerarkii Cascasey

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Lamaaha amniga Jubbaland ayaa nolosha ku haya shaqsi aysan magaciisa soo bandhigin, oo lala xiriirinayo in uu abaabulay weerarkii 12-kii July lagu qaadey huteelka Cascasey ee Kismaayo.

Ibraahim Maxamed Yuusuf [Jimo Jilic], duqa caasimadda dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa shaaciyey in ruuxan laga soo dhex-qabtay gudaha magaaladda, isla markaana macluumaadyo badan uu bixiyey.

Xogaha uu dusiyey ninkan ayaa waxaa kamid ah in gaariga loo adeegsaday qaraxa lagu dhex-farsameeyay gudaha magaaladda, lagana iibiyey ruux kale, wallow aysan hay’addaha amniga soo bandhigin aqoonsigiisa.

"Ma rabo in aan ka horudhoco baaritaanka, balse waa ay socotaa, waana lasoo bandhigi doonaa," ayuu Timo Jilac u sheegay barnaamijka Galka Baarista, laanta Af Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da.

Inta la xaqiijiyey 26 qof oo isugu jira rag iyo dumar ah ayna kamid ahaayeen Soomaali haysatay dhalashadda wadamo kale kuwaasi oo qaarkood caan ahaa ayaa ku naf-waayey masiibadaasi ay Al-Shabaab sheegatay.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in kadib qaraxaasi wax badan laga bedelay amniga magaaladda, isla markaana awaamiir cusub lagu soo rogay huteeladda.

Amarada ayaa waxaa kamid ah in ay u ogolaadan mas'uuliyiinta dowlad goboleedka in ay ciidamadooda gudaha ula geli karaan ilaaladooda, taasi oo aanan horey u jirin.

"Hadii weerarkii Cascasey ilaalada madaxda gudaha ku jiri lahaayeen, iska hor-imaad badan ma dhaceen, haddana arrintaasi ayaan soo rognay, sidoo kale waxaan adkeynaya amniga wadooyinka huteeladda," ayuu raaciyey duqa.

Huteelka Cascasey oo maalmo kahor inta aan la weerarin xariga laga jaray markii dib u dayactir lagu sameeyay ayaa waxa uu hoy u yahay mas’uuliyiinta, siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM