Jubbaland oo soo bandhigtay xubno kasoo goostay AlShabaab

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Saraakiisha ammaanka Jubbaland ayaa maanta oo Sabti ah waxay degmadda Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose ay kusoo bandhigeen dagaalame la sheegay in uu Al-Shabaab ahaa.

Geedi Maxamed Cali oo wiil dhalinyaro ah ayaa waxaa la tilmaamay in uu muddo kamid ahaa guutada weerarada tooska ah qaada ee kooxda gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Mas’uuliyiinta oo la hadashay warbaahinta ayaa tibaaxay in Cali uu "gar-waaqsaday" in uusan kusii jiri karin xoogaga Al-Shabaab kadib weeraro ay kala kulmeen ciidamadda dowladda.

Cali oo aanan da'diisa lala wadaagin war-fidiyeenka ayaa kasoo muuqday sawir laga qaadey isaga oo xiran tuutaha ciidamadda milatariga Soomaaliya. Ma cadda hadii uu hub watay.

Dhanka kale, Cabdi Casiis Maxamed Muxumed oo kamid ahaa Al-Shabaab loogana dhex yaqaano, Iidle, ayaa isku dhiibay ciidanka ammaanka Jubbaland ee degmadda Af-Madoow.

Ruuxan oo ah midkii labaad oo maanta isa soo dhiiba ayaa watay qori AK 47 ah, sidda ay sheegeen saraakiisha dhinaca ammaanka ee dowlad goboleedkaasi.

Taliska xoogaga difaaca qaranka ee gobolada Jubooyinka oo soo dhaweeyay shaqsiyaadkan ayaa waxay daboolka ka qaadeen in ay waydiimo dheeri ah ay la kulmi doonan.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan soo goosashadda ninkan magaciisa lagu sheegay Geedi Maxamed Cali oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab.

Dhowaan ayay ahayd markii Jubbaland ay isla gudaha degmada Afmadow ay kusoo bandhigtay saddex u dhashay Tanzania kamid ahaa Al-Shabaab.

Inta badan xubnaha kasoo baxsada Al-Shabaab ayaa kaliya warkooda la helaa marka ay isa soo dhibaan ama la qabto, wixii ka dambeeyana laamaha ammaanka masoo bandhigaan warbixinta su'aalaha ay waydiiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM