Jubbaland oo soo dhaweysay doorashada Saciid Deni, una hambalyeysay

Image

KISMAAYO, Somalia - Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa Hambalyo u diray Saciid Cabdullaahi Deni, oo maanta oo Talaado ah loo doortay inuu hogaamiyo dowladda Puntland shanta sano ee soo socota.

Deni oo ku guuleystay wareega saddexaad ee cod-bixinta ayaa kaga badiyay Asad Cusmaan Diyaano, kaasi oo helay 31 cod, halka Madaxwaynaha cusub ee DPL uu guusha ku hantiyay 35 cod.

Axmed Madoobe ayaa ku tilmaamay doorashada Saciid Dani mid ay Xildhibaanadda Golaha Wakiilada PL, ku xaqiijiyeen in coddeynta ay ku qabsoonto qaab xor oo xalaal ah, sidda ku cad war-saxaafadeedka.

Shacabka reer Puntland ayuu Madaxwaynaha maamulka Jubbaland ka dalbaday inay garab istaagaan Madaxwayne Saciid Dani, iayna kala shaqeeyaan sidii uu ugu guuleysan lahaa "waajibaadka culus ee fuulay".

"Ugu dambeyn, waxaan ALLE uga baryeeyaan inuu Madaxwayne Saciid Dani ufududeeyo waajibaadka xil ee loo doortay," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland.

Saciid Cabdullaahi Dani, Madaxwaynaha cusub ee Puntland, ayaa horey usoo noqday Wasiirka Qorsheynta iyo Xildhibaan Federaalka ah, isaga oo kamid ahaa Musharaxiintii la tartantay Farmaajo doorashadii Febraayo 2017-dii.

WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM