Jubbaland oo soo dhaweysay doorashada Saciid Deni, una hambalyeysay

Image

KISMAAYO, Somalia - Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa Hambalyo u diray Saciid Cabdullaahi Deni, oo maanta oo Talaado ah loo doortay inuu hogaamiyo dowladda Puntland shanta sano ee soo socota.

Deni oo ku guuleystay wareega saddexaad ee cod-bixinta ayaa kaga badiyay Asad Cusmaan Diyaano, kaasi oo helay 31 cod, halka Madaxwaynaha cusub ee DPL uu guusha ku hantiyay 35 cod.

Axmed Madoobe ayaa ku tilmaamay doorashada Saciid Dani mid ay Xildhibaanadda Golaha Wakiilada PL, ku xaqiijiyeen in coddeynta ay ku qabsoonto qaab xor oo xalaal ah, sidda ku cad war-saxaafadeedka.

Shacabka reer Puntland ayuu Madaxwaynaha maamulka Jubbaland ka dalbaday inay garab istaagaan Madaxwayne Saciid Dani, iayna kala shaqeeyaan sidii uu ugu guuleysan lahaa "waajibaadka culus ee fuulay".

"Ugu dambeyn, waxaan ALLE uga baryeeyaan inuu Madaxwayne Saciid Dani ufududeeyo waajibaadka xil ee loo doortay," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland.

Saciid Cabdullaahi Dani, Madaxwaynaha cusub ee Puntland, ayaa horey usoo noqday Wasiirka Qorsheynta iyo Xildhibaan Federaalka ah, isaga oo kamid ahaa Musharaxiintii la tartantay Farmaajo doorashadii Febraayo 2017-dii.

WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM