Ka qeybgal la'aanta Farmaajo oo hoos u dhigtay Shirka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa ka baaqday ka qeybgalka Shirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, sidda ay Garowe Online u dusiyeen diblumaasiyiin.

Farmaajo ayaa nan xaadirin furitaanka Madasha oo Talaadadii, 1-da October 2019-ka, uu daah-furay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar].

Warar xog ogaal ah ayaa qeexaya in madaxweynaha uusan kasoo muuqan doonin xiritaanka oo Arbacadda maanta ah loo qorsheeyay, maadaama laba casho loo qaban-qaabiyey kulanka.

"Xubnaha Beesha Caalamka way ka xumadeen, waxayna u arkeen hoos u dhig Shirka lagu sameeyey," ayay yiraahdeen illo wareedyadda oo codsaday in aanan la magacaabin.

Wakaalada wararka u faafisa dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho, SONNA, ayaa baahisay in ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu gudoomin shirka maalinta labaad.

Puntland ayaa qaadacdey Shirka, halka Jubaland ay kasoo horjeesatay maadaama ay xukuumada federaalka u diidey in ay kaga soo muuqato heer madaxweyne.

Isaga oo dadweyne kula hadlayey Boosaaso, madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in aanan wax latashi ah lagala sameynin shirka lana siiyey kaliya shan daqiiqo oo feker dhiibasho ah.

Shirka Bahwadaagta Soomaaliya oo sanadle ah ayaa ah midkii afaraad, waxaana lagu gorfeyaa wax-qabadka sanadkii tegay, waxa aan hirgelin, caqabadaha iyo qorshaha sanadka xiga.

Kulankan oo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya lagu casuumo ayaa taageero waxaa loogu uruuriyaa horumarinta waddanka leh xeebta ugu dheer ee qaaradda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM