Kaalinta ay Qadar ku lahayd "sii deynta" Silvia Romano oo la shaaciyey

Image

ROMA, Italy – Qadar ayaa door firfircoon ku lahayd soo badbaadinta Silvia Romano, haweenaydii arrimaha samafalka ka shaqeyneysay ee 18-ka bilood u afduubneyd Al-Shabaab, sidda u baahiyey telefishinka maxaliga ah ee TgCom24.

Sidda ku xusan warbixinta Tv-ga, xukuumadda Dooxa ayaa hogaamineysay wadaxaajoodyaddii ugu dambeeyay ee lagu bixiyey lacagta madax-furashadda oo warbaahinta Talyaaniga ay ku sheegtay saddex milyan oo Doolar.

"Qadar ayaa xiriiro muhiim ah la leh [xoogaga gacanaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida]," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warbixinta uu sii daayey telefishinkaas.

TgCom24 ayaa ku tilmaamay waddankaan Carbeed ee Qadar "meesha ay ka bilowdeen wadahadaladda bixinta lacagta madax-furashadda ah".

Tani ayaa ka dhigan in sii deynta Romano ay iska kaashadeen dowladaha Soomaaliya, Turkiga, Talyaaniga iyo Qadar oo lasoo shaac-bixiyey.

Marka laga reebo Qadar, saddexda dowladood kale ayaa muuqaneysa in ay qaabilsanaayeen howlgalada dhanka mukhaabaraadka.

Dhamaan xaqiiqooyinka soo ifbaxaya ee ku saabsan in ay dib u heshay xorriyadeeda Romano waxay ku kooban yihiin saxaafadda oo soo xiganeysa illo wareedyo kala duwan. Xukuumadaha wali kama jawaabin.

Silvia Romano oo bishii November ee sanadkii 2018-kii laga watay tuulo ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa madax u ah hay'ad ka shaqeysa arrimaha bini'aadamadda oo si weyn uga howlgashadda gudaha waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM