Kaamirooyinka qarsoon ee jidadka Muqdisho oo ilaalo "loo sameynayo"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku fekereysa in ay ilaalo gaar ah u sameyso kaamirooyinka qarsoon ee ku xiran qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho, sida uu shaaciyey Xildhibaan.

Mudanaha ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka dalka ayaa sheegay in qorshahaas loo diyaarinayo ciidamo gaaraya 600, kuwaasoo "loo bixin doono Ururka ilaalada Kaamarooyinka".

Hadalada kasoo yeeray Axmed Macalin Fiqi ayaa imaanaya xili kaliya sanadkaan gudahiisa ay Al-Shabaab laba jeer beegsatay kaamirooyinka oo dhejintooda ay ku baxday malaayiin Doolar.

"Kaamarooyinkii lacagaha malaayiinta Dollar ah ay ku baxeen oo isna ilaalin waayay, wax ilaaliyana waayey," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee xiriirka bulshadda si gaar ah Facebook.

Sharci-dejiyaha aya xoojiyey shaki ka dhashay qaabka loo qarxiyey kaamirooyinka oo dhamaan goobaha la beegsaday tusaale ahaan isgoyska Dabka ay joogaan Ciidamadda ammanka.

"Meeshan la qarxiyey Ma ahan jidka warshadaha ama soddonka ee waa jidka ugu mashquulsan Muqdisho ee Makka Almukaramah, nimanka jidkaan iyo kaamarooyinka ay ku xireen Shabaab ka ilaalin waayey ayaa na leh xadka ayaan ciidamo ilaaliya u dirnay! Sidaan macquul ma ahan," ayuu raaciyey Fiqi, oo laga soo doorto maamulka Galmudug.

Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka ayaa maamusha kaamirooyinka oo "looga hortagayo falalka liddiga u ah amniga oo hoos u dhac bilooyinkii lasoo dhaafay".

"Waxaa igu maqaal in ciidamo 600 gaaraya loo qorshaynayo In kaamarooyinka ay waardiye ka qabtaan oo loo bixin doono “Ururka ilaalada Kaamarooyinka”. Inta aan ka ahayn shacabka Muqdisho ilaalo ayay leeyihiin oo loo sameeyey!" ayuu hadalkiis kusoo xiray Axmed Macalin.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa mar sii horeysay su'aal kaga keenay kaamirooyinka oo qeybtooda ay tibaaxeen in lagu rakibay nawaaxiga hoygooda, talaabadaas oo ay tuhunsan yihiin in dhaqdhaqaaqooda lagula ka soconayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM