Kaamirooyinka qarsoon ee jidadka Muqdisho oo mar kale la qarxiyey

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Markii labaad sanadkan 2020-ka gudahiisa, kaamirooyinka qarsoon ee wadada Maka Al Mukarama ee magaaladda Muqdisho ayaa la qarxiyey, sidda ay xaqiijiyeen illo amniga ah.

Sidda ay goobjoogeyaal sheegeen, kaamirooyinka la beegsaday ayaa ku dheganaa inta u dhaxeysa isgoyska Dabka, wadada Sayidka iyo Maka Al-mukarama.

Qaraxyadda oo laga maqlay qeybo kamid ah magaala madaxda dalka ayaa burbur u geystay qalabka, sidda ku cad sawiro iyo muuqaalo laga soo qaadey.

Ma jirto khasaaro nafeed ama dhaawac oo laga soo wariyey dhacdadaan oo dadku soo tabiyeen habeenimadii xalay. Kaamirooyinka la beegsaday waa kuwa dib loogu rakibay markii ay Al-Shabaab burburisay.

Hay'addaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa illaa iyo haatan wax war ah kasoo saarin falkaas, oo aysan jirin koox sheegatay.

30-ka bishii Janaayo ee 2020 ayay ahayd markii sidaan kale oo la beegsaday kaamirooyin lagu dhejiyey inta dhaxeysa isgoyska Dabka illaa iyo Isgoyska Shaqaalaha ee jidka Maka Al Mukarama.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida oo dusha saartay mas'uuliyadda falkaas ayaa ku goodiyey in ay sii wadayaan beegsiga kaamirooyinka oo "caqabad ku noqdey howlgaladooda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM