"Kadib weerarkii Ballidoogle, waxaan duqeyn ku dilnay 10 Al-Shabaab"

Image

WASHINGTON, US – Dowladda Mareykanka ayaa waxay ka warbixisay duqeyn ay Al-Shabaab la beegsatay kadib weerarkii Ballidoogle ee barqinimaddii Isniinta maanta ah, 30-ka September 2019.

War qoraal ah oo taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika kasoo baxay ayaa lagu sheegay in laba duqeyn oo dhanka cirka ah oo ay qaadeen ay ku dileen tobban Al-Shabaab ahaa ayna ku burburiyeen gaari.

Gaariga oo la sheegay in uu ka qeyb-qaatay duulaanka ayaa waxaa la rumeysan yahay in uu ahaa mid lagu soo walxo qarxa. Muuqaalo laga soo duubay ayaa baraha bulshadda lagu faafiyey.

Taliyaha ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Danab, kuwaasi oo uu Mareykanka tababaro, Cabdiraxmaan Cumar Warsame Jeeni-qaar ayaa ku adkeystay "in la laalay Shabaabkii soo weeraray".

"Raggii ay noosoo direen waxba kama noqon," ayuu yiri. "Tirro kuuma soo koobi karo, maxaa yeelay qaraxyo ayaa meesha ka dhacay," ayuu Gaashaanlaha ku yiri wareysi uu siiyey idaacadda VOA-da.

Bayaanka AFRICOM ayaa tibaaxaya "in aysan jirin waxyeelo duqeynta kasoo gaarey rayidka," maadaama horey loosoo wariyey dhimasho iyo dhaawac shacab kasoo gaarey howlgalada Washington.

Jeeni-qaar ayaa hoosta ka xariiqay in AlShabaab ay weerarka ugu soo talogashay afar gaari oo miineysay; laba kamid ah ciidanka ayaa qarxiyey, halka labada kelana ay ku qarxeen "meel ka fog" xeradda.

Dagaalameyaal AlShabaab oo adeegsanaya wadooyinka gaadiidka rakaabka ay adeegsadaan ee soo gala saldhiga ayaa wehliyay gaadiidka. Inkasta oo illaa iyo haatan aanan la ogayn tiradooda saxda ah.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa war-saxaafadeed ay soo saartey ku shaacisay in ay dishay 100 askari. Sheegashadaas waxaa beenisay dowladda federaalka ah.

Hase ahaatee warka qoraalka ah ayaa wuxuu qeexayaa in uusan jirin askari ka tirsan ciidanka Mareykanka ama Soomaaliya oo wax ku noqday duulanka kaga yimid dhanka Al-Shabaab.

Saldhiga Ballidoogle oo 90 KM dhanka Galbeed uga aadan Muqdisho kaasi oo ammaankiisa aad loo ilaaliyo ayaa waxaa degan ciidamo Mareykan ah, Soomaali iyo cutubyo kamid ah AMISOM gaar ahaan Uganda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin culus u diray dowlado shisheeye 

“Ciddii isku dayda inay kala qaybiso Soomaaliya waxay heli doontaa kaliya waqti, dadaal iyo diblomaasiyad khasaaray,” ayuu yiri madaxweynaha.

  • Soomaliya

    16-06-2025

  • 06:03PM

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM