Kalkaalisadii ugu horeysay oo Muqdisho ugu geeriyootay Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Zamzam Cali ayaa waxay noqotay kalkaalisadii ugu horeysay oo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ugu geeriyootay cudurka safmareenka ah ee Covid-19, sidda laga soo xigtay qoyskeeda.

Marxuumadda ayaa la shaqeyneysay Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah iyo Isbitaalka sidda gaarka ah loo leeyahay la yiraahdo Kalkaal. Waajibaadka ayay gudaneysay gelin.

Sidda ay wararku sheegayaan, Zamzam ayaa kamid ahayd laba qof oo la xaqiijiyey in ay Sabtidii u dhinteen caabuqa sidda fudud u faafa.

Guud ahaan Soomaaliya, tiradda geerida ee ka dhalatay xanuunka ayaa gaareysa 18, oo ay ku jiraan laba Xildhibaan oo mid federaal yahay, kan kalena uu ka tirsanaa baarlamaanka HirShabelle.

"Waxay nafsadeeda u hurtay si ay u caawiso dadkeeda. Ilaahey ha u naxariisto, kuna abaalmariyo Jannatu Firdowsa. Dhab ahaantii waa Shahiid," ayuu yiri sarkaal caafimaad oo magaciisa ka gaabsadey.

Horey waxaa loo xaqiijiyey dhakhaatiir uu ku dhacay xanuunka, kuwaas oo shaqada laga fasaxay kuna sugan hoygooda si aysan u faafin.

Maadaama dhimashadda ay si tartatiib ah ugu kordhineyso si maalinle ah, xukuumadda ayaa ku boorisay dadweynaha in ay ku waana-qaataan isla markaana ay ka fogaadaan goobaha ay dadka ku kulman iyo taxadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM