Kenya oo ciidamo u daabushay Gedo xili ay jirto farogelinta Itoobiya

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dowladda Kenya ayaa lagu waramayaa in ay ciidamo aad u hubeysan oo horleh u daabushay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Illo wareedyo ayaa laga soo xigtay in askarta oo ka yimid dhanka waqooyi barri lagu arkayo degaanadda ku teedsan xuduudka labadda dal.

Warbixinadda oo laga helay dadka degaanka ayaa soo jeedinaya in ciidamadda ay wataan gaadiidka dagaalka iyo hub culus.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli Itoobiya ay farogelin ka waddo gobolka Gedo, iyadda oo fulineysa dalab ka yimid Villa Soomaaliya.

Ciidamadda xukuumadda Addis Ababa oo aan ka tirsaneyn AMISOM ayaa juujuub ku haya degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beledxaawo.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayay ka hor istaageen in uu gudaha u galo Beledxaawo, todobaadkii hore.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegeysa in ciidanka Kenya ay taageersan yihiin Maxamuud Sayid Aadan oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Mandheera.

Dowladda Farmaajo oo xiriirka kala dhaxeeya Jubaland uusan fiicneyn ayaa damacsan in ay Gedo ka hirgeliso maamul sharci darro ah.

Maamulka Kismaayo ayaa horey wuxuu uga digay in gacma-gacmeynta wuxuuna codsaday in ciidanka aan AMISOM kamid ahayn ka baxaan gobolka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo iska fogeysay eedeynta ah in ay adeegsaneyso ciidanka Itoobiya ayaa ku doodey in ay waddo diiwaan-gelinta ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM