Kenya oo digniin horleh soo saartay xili ay Carabta la safatay Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay waxay ka jawaabtay war-murtiyeedkii uu ururka Jamaacadda Carabta ku garab istaagey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Bayaanka oo lagu xusay in dhul badeedka ay sheeganeyso Kenya ay yihiin kuwa been abuur ah ayaa xukuumada Nairobi loogu digay in ay joojiso farogelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Afhayeenka dowladda uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta ayaa ku sifeeyay warbixinta kasoo baxay ururkaasi oo ay wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya faafisay "waxba kama jiraan", sida ay baahisay saxaafada maxaliga ah.

Cyrus Oguna ayaa waxa uu ku tartarsiiyey dadka Kenya in ay ka digtoonaadan wararkaasi uu ugu yeeray "kuwa aanan waxbo ka jirin".

Xukuumada Muqdisho ayaa waxa uu ku eedeeyay in ay adeegsaneyso ururo siyaasadeed si ay "xaqiiqada jirta u laasho".

"Dadweynaha haka digtoonaadan wararkaan lasoo diyaariyey ee aysan iyaga xitaa u qalmin," ayuu u sheegay Daily Nation.

Isaga oo sii hadlaya ayuu ku booriyey saxaafada dalkiisa in aysan baahin "wararka aanan ka imaan ilaha aan saxda aheyn".

"Sababtaasi darteeda waxaanu dooneynaa in aan ka korno maalmaha soo aadan been-abuurashada noocaan ah," ayuu daba dhigay.

Hadaladdan culus ee kasoo yeeray afhayeenka dowlada Kenya ayaa imaanaya iyadda oo ay dowladda Soomaaliya warbaahinta madaxa banaan ka codsatay in aysan “dhexdhexaad ka noqon qadiyada badda".

Kala taag-taaga labada dowladood ee deriska ah oo sii xumaanaya ayaa kusoo aadaya iyadda oo maalinta lagu dhawaaqayo xukunka Maxkamada Cadaalada Aduunka ay bilooyin ka harsan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM