Kenya oo ka jawaabtay go’aankii wasaarada caafimaadka Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay waxay ka fal-celisay war-saxaafadeedkii bishii hore kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Bayaanka oo ku taariikheysnaa 15-ka May 2019 ayaa looga codsaday hay’addaha caalamiga ah in shirarka arrimaha Soomaaliya ee ku jadwaleysan Nairobi loosoo wareejiyo Muqdisho ama mee kale.

Wasaaradda ayaa qiil ka dhigatay arrimo kusoo kordhay socdaalka labadda wadan. Tani waxay ka dambeysay markii mas'uuliyiin Soomaaliyeed lagu xayiray Nairobi dib loogu soo celiyay dalka.

Hadaba, wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo arrintaasi ka fal-celisay ayaa hoos u dhigtay ku dhawaaqistaasi waxayna ku nuux-nuux satay in ay diyaar u tahay fududeynta shirarka arrimaha Soomaaliya looga hadlo.

"Xukuumadda Kenya waxay sii wadi doontaa inay fududeyso oo ay martigeliso shirarka heer gobol iyo mid caalami ah iyada oo la raacayo waajibaadka caalamiga ah iyo ballanqaadyadooda," ayay tiri.

Kenya oo mar kale fasiraad ka bixisay xayiraada mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay wateen Baasaboor diblumaasi balse waxay ku dooday in aysan wadan dal galka wallow ay dab-cisay mowqifkeedii hore.

"Muwaadiniinta Soomaalida ah mar walba waan ku soo dhaweynaya shuruudaha soo gelitaanka iyada oo loo adeegsanayo dhammaan codsiyadda muwaadiniinta shisheeye," ayey raacisay wasaaradda.

Xiriirka sii xumaanaya ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa salka ku haya dacwad hortaala maxkamada caddaalada aduunka oo ku aadan damac Kenya uga jira biyaha Soomaaliya taasoo go’aan laga soo saarayo bisha September.

"Kenya ma aysan ugu talogelin in muwaadiniin Soomaaliyeed ay u diido in ay dalkeeda soo galaan. Balse waxaa lama huraan ah in mas'uuliyiinta socdaalka dowlada federaalka aqoon-sadaan waxyaabaha muhiimka ah," ayay ku dartay.

Hadalkan wuxuu kusoo beegmayaa xili Kenya ay isbuucii hore ku dhawaaqday in aysan xayiraad kusoo rogtay shixnadaha aaney cidna la socon ee laga keeno Soomaaliya ayna qabatay lacag uu watay sarkaal ka tirsan NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM