Kenya oo laga codsaday in ay Janan u gacan-geliso DF Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa ugu baaqday Kenya in ay qabato Wasiirka Amniga ee Jubbland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, una gudbiso dawladda Soomaaliya "si maxkamad loo saaro".

Amnesty International ayaa ku sheegtay in Cabdirashiid Janan loo qabtay “dambiyo cuslus” 31-kii August ee sannadkii hore loona baahan yahay in caddaaladda la marsiiyo.

Waxay xustay inay tahay "arrin aan caqligal ahayn in Janan oo lagu tuhunsan yahay mas’uuliyadda dambiyo liddi ku ah sharciyada caalamiga ah, iyo kuwa xuquuqda aadanaha inuu ka baxsado caddaalladda".

Kenya ayay ku boorisay in ay qabato, si deg deg ahna ugu gacan geliso xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Muqdisho ayay ku tartariisay in maxkamadayntiisa ay ka dhigto mid waafaqsan sharciyada caalamiga ah, iyadoo aan dib loo ridin.

Janan la sheegay in uu ka baxsaday goob lagu hayey 28-kii Jannaayo, isla markaana waxa uu 31-kii Janaayo ka degay magaalada Kismaayo isagoo isla maalintaas diyaarad ku tagay dalka Kenya.

Jubaland ayaa shaacisay in fakashadiisa "ay gacan ka geysteen" mas'uuliyiin sar-sare oo ka tirsan laamaha kala duwan ee dowladda federaalka.

Socdaalkiisa Kenya ayaa lagu waramayaa in uu la xiriiro arrimo caafimaad maadaama mudadii uu xabsiga ku jira ay lasoo darseen xanuuno kala duwan sidda Kaduudiyaha oo la sheegay in uu ka haleelay dhinaca lugaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM