Kenya oo mas'uuliyiin ka tirsan DF u diiday in ay galaan Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya – Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa loo diiday in ay galaan Nairobi, caasimada Kenya, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Mas'uuliyiinta ayaa watay Baasaboorka diblumaasiga ee Soomaaliyeed balse saraakiisha garoonka diyaaradaha Nairobi ayaa ku gacan-seyray, iyaga oo la xiriiranaya arrimaha dal ku galka [Fiisaha].

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Kenya gebi ahaanba ay joojisay in Wasiirada iyo Mudaneyaasha Soomaaliya ay siiso dal ku galka wadankeeda, wallow aysan kala caddeyn sababta ka dambeysa.

Xogta ayaa waxay intaasi raacineysa in mas'uuliyiinta qaarkood ay adeegsadeen Baasaboorka wadamo kale oo ay haysteen, taasi oo ay kaga gudbeen garoonka.

"Saraakiisha socdaalka garoonka Nairobi way diideen in Baasaboorka Diblumaasiga Soomaaliya ay saaraan dal ku galka. Mana aysan noo sheegin sababta," ayaa laga soo xigtay mid kamida ah xubnahaasi.

Tani ayaa kusoo aadeysa xili xiriirka labada dowladood uu mad-madow soo kala dhex-galay tan iyo markii Shirkii Shidaalka Soomaaliya ee London, oo lagu soo bandhigay kheyraadka dalka.

Dadka u duun-daloola arrimaha siyaasada ayaa talaabada Kenya waxay ku macneeyeen mid ay ku kordhineyso cadaadiska diblumaasiyadeed maadaama dacwad dhanka bada ay ka dhaxeyso.

Horaantii bishaan ayay ahayd markii Kenya ay hakisay duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, talaabadaasi oo burisay heshiisyo ay hogaamiyeyaasha labada dal ay kala saxiixdeen.

Maxamed Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale waxay isku maan-dhaafsan yihiin doorashada madaxtooyadda Jubbaland, taasi oo bisha Agoosto ee sanadkaan ka qabsoomeysa magaalada Kismaayo.

Xukuumada Muqdisho illaa iyo haatan wax jawaab ah kama aysan bixin talaabada dowladda Kenya ay ugu diiday Wasiirada iyo Xildhibaanada Soomaaliya in ay soo galaan dalkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM