Kenya oo u yeertay Safiirkeedii Somalia

Image

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa u yeertay safiirkeeda u jooga Soomaaliya, Lucas Tumbo kadib markii ay soo baxeen in xermooyin shidaal iyo Gaas laga helay goob ay ku muran-san yihiin labada dal lagu xaraashayo Ingiriiska.

Sida ku cad war qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada xukuumada Nairobi, go’aankaan ayaa wuxuu salka ku hayaa shirkii dhowaan ka qabsoomay magaalada London ee looga hadlay shidaalka Somalia.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay in DFS "si aan taxadar lahayn isaga indha tirtay xeerka caalamiga ah ee ogolaanaya sohdin badeedka iyo muranda dhinaca diblumaasiyada".

War-saxaafadeedka wasaarada ayaa sidoo kale lagu sheegay in looga danjiraha Soomaaliya u jooga halkaasi, Maxamed Axmed Nuur Tarsan looga baahan in uu wadankaasi uga soo baxo “sida ugu dhaqsiyaha badan".

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan go’aanka xukuumada Nairobi oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM