Kenya oo xirtay falanqeeye Soomaali ah xili ay jirto xiisada badda

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidamada Kenya ayaa lagu waramayaa in xalay saqdii dhexe ay hoygiisa oo ku yaalla xaafadda Islii ee magaaladda caasimadda ah ee Nairobi kala baxeen aqoonyahan Dr Ibraahim Faarax Bursaliid.

Lama ogga sababta dhabta ah ee ka dambeysa xariga falanqeeyahaan ka faalooda arrimaha siyaasadda gobolka iyo Carabta.

Laamaha amniga ee waddanka Kenya illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin xariga nuqdeeye Bursaliid.

Saxaafadda maxaliga ah ayaa qoyska falanqeeyaha kasoo xigatay in xarigiisa uu la xiriiro xiisadda diblumaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xariga lagula kacay Bursaliid ayaa imaanaya iyadda ay taagan tahay xiisada labada dowladood taasoo salka ku haysa muran dhanka badda ah oo dacwadeeda hortaalo maxkamada cadaaladda aduunk.

Kenya ayaa horey ugu goodisay in ay beegsan doonto shaqsiyaadka aadka ugu dhow madaxweyne Farmaajo kuwaasoo sida la fahansan yahay uu kamid yahay Bursaliid.

Sikastaba ha ahaatee, dhamaadka sanadkan ayaa lagu wadaa in maxkamada cadaaladda aduunka ay go'aan kasoo saarto kiiskan oo horyaala tan iyo sanadkii 2014-kii

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM