KG oo beenisay warar laga baahiyey doorashada Madaxwaynaha

Image

BAYDHABO - Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo warbaahinta kula hadlay Baydhabo ayaa gaashaanka ku dhuftay warar saacadihii udambeeyay laga baahinayey doorashada madaxwaynaha maamulkaan.

Wararkaasi oo ahaa in la sameeyay Guddigii ka shaqayn lahaa doorashadda, ayaa waxaa kasoo muuqday Wasiiro, Xilldhibaano iyo shaqsiyaad kale, kuwaasi oo ay iska cadahay inay olale ugu jiraan Madaxwaynaha waqtiga ka dhamaaday ee Shariif Xasan Aadan.

Balse, Gudoomiye Maye oo arrinkaasi si gaar ah udul-istaagay ayaa carabka ku adkeeyay inaanu wali la gaarin waqtigii lasoo dhisi lahaa Guddiga, kuwaasi oo waajibaadkoodu yahay inay ka shaqeeyaan qaabka ugu wanaagsan oo ay doorashadu udhici karto.

Guddiga ayuu Gudoomiyuhu ku nuux-nuux saday in lasoo magacaabi doono marka ay doorashadu ka dhiman tahay maalmo qura xili loo mudeeyay inay qabsoonto 17-ka bisha soo socota ee November, ee sanadkaan 2018.

"Waxaan rabaa inaan cadeeyo inaanu jirin wax Guddi ah oo la magacaabay illaa iyo haatan. Waraaq ayaan arkayey oo meelaha wareegaysa, oo aan aniga la isoo xiganayo, balse aanan saxiixaygu saarneen, balse, waa mid aan waxba la jirin," ayuu yiri.

Ugu dambeyn, Mr Meye ayaa balanqaaday in marka la gaaro Guddiga doorashadda la sameyn doono Guddiga, kahor wuxuu murashaxiinta ka dalbaday inay ka qaybqaateen sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd qaab cadaalad, xor iyo xalaal ah.

Doorashadda maamulkaan oo sanadkaan ka xiiso badan sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa utaagan murashaxiin dhowr ah, kuwaasi oo ay kamid yihiin, Xuseen Cusmaan Xuseen, taliyihii hore NISA, Mukhtaar Roobow, Shariif Xasan Aadan iyo xubno kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM