KG oo rumeysan in ciidanka Itoobiya ay soo rideen diyaaradii Bardaale

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Mas'uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey in ay rumeysan yihiin in ciidamadda Itoobiya oo sameynayey "layli milatari" ay toogteen diyaaraddii ku dhacday Bardaale.

Xasan Xuseen Eelaay, wasiirka duulista hawada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa xaqiijiyey in ay geeriyoodeen dhamaan rakaabkii saarnaa duulimaadka African Express oo tiradooda lagu sheegay lix qof.

Ma bixin tafaasiil dheeraad ah, balse waxay ku adkeysteen baaritaanka haatan socda kadib ay fahfaahinta soo bandhigi doonan.

Illo wareedyo dhanka amniga ah oo la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyey in diyaaradda uu ku dhacay qoriga Zuuga.

Ciidamadda Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa saldhig ciidan ku leh nawaaxiga garoonka diyaaradaha magaaladda.

Dhanka kale, wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawadda ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay, ayaa wacad ku martay in ay "si adag u baari doonto" dhacdadan.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa ciidamadda Itoobiya ku eedeeyay in ay soo rideen diyaaraddii shalay ku burburtay magaaladda Bardaale, gobolka Baay.

Tani ayaa waxay meesha ka saareysaa suurtalgalnimo kasta oo maleeyshiyada ku sheegan kartay dhacdadaas, wallow ay wax isbedeli karaan, daqiiqad kasta.

Diyaaradda oo sidday shixnad gargaar caafimaad waxaa laga leeyahay dalka Kenya, oo cilaaqaadka siyaasadeed iyo midka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya Muqdisho iyo Addis Ababa uusan fiicneyn.

Bayaanka dowladda Soomaaliya

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM