Khasaaraha Al-Shabaab kasoo gaarey howlgalka Janaale oo la shaaciyay

Image

 JANAALE, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgalkii shalay Al-Shabaab looga saarey degaanka Janaale, oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha guutada 16aad ee ciidanka DANAB Ismaaciil Cabdilmaalik Maalin, ayaa sheegay in lix xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab ay ku dhinteen dagaalii shalay lagula wareegay Janaale, kuwaasoo ay ku jiraan hogaamiyeyaal sare.

Taliyaha ayaa yiri: Lix xubnood oo ay ku jiraan Siciid Dheere oo ahaa horjoogihii Al-Shabaab ee degaanka Ceel-saliini iyo horjooge Bukhaari oo isna qaabilsanaa degaanka Jannaale ayay ciidanka xooga dalka ku khaarijiyeen howlgalkii shalay".

La wareegista Janaale oo aan ahayn mid cusub, ayaa dad badan waxay is waydiinayaan inay ciidanka dowladda sii haysan doonaan degaanka iyo inay kasoo bixi doonaan, maadaama dhawaan ay soo faarujiyeen Tuulada Tooratoorow bishii January ee sanadkan, labo maalin kadib markii ay qabsadeen.

Howlgallada ka socda Shabeellaha Hoose, oo si gaabis ah ku socda, ayaa ciidanka dowladda waxay kula wareegeen tan iyo sanadkii tagey illaa 5 tuulo, oo ku yaalla inta u dhaxaysa Afgooye iyo Janaale, waxaana gobolkan uu muhiim u yahay qabsashadiisa amnig Muqdisho.

Ciidanka dowladda ayaa la filayaa inay dhawaan mas'uuliyada amniga dalka kala wareegaan AMISOM, oo lagu wada inay isaga baxdo wadanka, maadaama uu waqtigoodii loogu tala-galay uu dhamaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM