Khasaaraha dhimasho ee qaraxii Muqdisho oo kordhay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan 11 ruux ayaa ku naf-weysay 15 kale way ku dhaawacantay markii qarax gaari uu duhurnimadii maanta oo Khamiis ah uu ka dhacay wadada Maka Al Mukarama.

Inta badan dadka dhintay iyo kuwa loola cararay goobaha caafimaadka ayaa isugu jira shacab iyo dad wadada marakayay, sidda ay Garowe Online u shegeen Goobjoogayaal.

Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa u sheegay GO in weerarka uu ka dhacay iridka maqaayadda Bilsan oo ku taala inta u dhaxeysa huteel Wehliye iyo isgoyska Dabka.

"Inta badan dhibanayaasha ayaa ku jira maqaayadda … oo xiligaasi ahayd mid mashquul ah … sidaasi awgeed wali waxyeelada ay kordhi kartaa," ayuu yiri Kabtan Liibaan Axmed.

Wali ma cadda halka uu ahaa bartilmaameedka qaraxa, hasayeeshee, gaariga ayaa ku qarxay dhinaca ay maqaayadda kaga taallo wadada.

Ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyada, marka laga reebo in dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee noocaan ah ee ka dhacay Muqdisho ay sheegatay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Al-Shabaab ayaa si joogto ah u bartilmaameedsata huteelada, maqaayadaha, goobaha dadku isugu yimaadaan iyo dhismayaasha dowladda, halkaasoo ay ka dhashaan waxyeelo badan.

Sabtidii ayay ahayd markii weerar is-miidaamin oo lagu beegsaday dhismo ay degmada Shangaani ka degan yihiin wasaaradaha Shaqada iyo Howlaha Guud lagu dilay 15 ruux oo ku jiro wasiir ku xigeen.

Amniga ayaa kamid ah waxyaabaha ay ku fashilantay xukuumada Farmaajo iyo Khayre xili waxaana qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka ay kula taliyeen ra’iisul wasaaraha in uu is-casilo. [Hakaan ka akhriso warka]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM