Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Wisil oo kordhay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyooday weerar ay maleeshiyada Al-shabaab saaka waabarigii ku qaadeen xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin magaalada Wisil ee gobolka Mudug, waxaana weerarkan uu ku billowday gaari lagu qarxiyay irridda hore ee xerada.

Ilo ku sugan magaalada Wisil ayaa VOA u sheegay in qaraxa gaariga kaddib ay ciidmada Galmudug iska caabiyeen weerar ay soo qaadeen maleeshiyada Al-sbabaab oo magaalada soo galay, iyadoo labada dhinac ay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida uu ku soo warramayo wariyaha VOA ee magaalada Galkacyo Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq, dadka geeriyooday waxaa ka mid ah dad rayid ah oo rasaasta iyo madaafiicdu haleeleen iyagoo jooga guryahooda.

Dad ku sugan magaalada Wisil oo ay VOA la xiriirtay ayaa u sheegay in khasaaraha dhimashadu uu intaas ka badnaan karo. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Galmudug.

Magaalada Wisil oo istiraatiiji u ah isku socodka Galmudug ayaa ka mid aheyd magaalooyinka ugu amniga badan Galmudug.

Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay dib u habeyn ku sameyneysay ciidankeedda, iyadoo la sheegay inay u diyaargaroobeyso howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo Jimcihii booqday xerada 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka uu ku 'boorriyay' sugidda amniga.

Dhinaca kale, ugu yaraan lix qof oo rayid ah ayaa geeriyooday, kaddib markii gaari ay la socdeen ay miino kula kacday inta u dhexeysa magaalooyinkaa Wisil iyo Gawaan.

VOA

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM