Khasaaraha qaraxii Muqdisho oo sii kordhaya iyo dad la la'yahay

Image
Image
Image
Image

MUQDSHO, Soomaaliya - Waxaa soo kordhaya khasaaraha dhimashada weerarkii Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay Isgoyska Ex-control Afgooye, kaasoo galay liiska qaraxyadii ugu dhimashada badnaa abid ka dhaca caasimadda Soomaaliya, ee Muqdisho.

Labo qof oo horleh ayaa la xaqiijiyay inay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay u geeriyoodeen dhaawacyadii kasoo gaarey qaraxa, kuwaasoo uu ay ku jirto gabar lagu magacaabi jiray Aamin Cismaan Khayre oo ku dhimatay dalka Turkiga, halka qofkal kale Muqdisho ku dhintay.

Tirada dadka ku dhintay weerarkii Ex-control Afgooye ayaa hadda gaartey 81 qof, iyadoo dhaawaca uu ka badan yahay 140 qof, oo 15 kamid ah dalka Turkiga Isbitaallo ku yaalla loo qaadey.

Afhayeen u hadlay dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in nolol iyo geeri lagu la'yahay 25 qof, oo 6 kamida caruur yihiin, waxaana loo maleynayaa inay geeriyoodeen, kadib markii waalidiintooda iyo eheladooda ay ka waayeen Isbitaallada Muqdisho iyo goobtii uu qaraxa ka dhacay.

Wali ma jirto cid illaa hadda sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse Madaxweyne Farmaajo ayaa ku eedeeyay Kooxda Al-Shabaab. Labo Injineer oo u dhalatay Turkiga ayaa kamid ah dadkii ku dhintay qaraxa, kuwaasoo meydadkii shalay Muqdisho laga qaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM