Khasaaraha Qaraxyadii Muqdisho oo kordhay iyo Wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tiradda dhimashada ee uu sababay Qaraxyadii shalay oo Jimco ahayd ka dhacay Muqdisho gaar ahaan Isgoyska KM4 ayaa korortay, sida laga soo xigtay hay’addaha caafimaadka iyo saraakiisha Booliska.

Inta illaa iyo haatan la xaqiijiyay tirada dhimashada waxay sii mareysaa in k badan 30 qof, oo afar kamid ah ay yihiin Booliska Soomaaliya, halka inta badan ay u badan yihiin Shacab wadada marayay.

Sida laga soo xigtay hay’addaha gurmadka deg deg ah, dhaawaca waxa uu marayaa in ka badan 80 ruux, oo qaarkood ay liidato xaaladooda, halka kuwa kalena ay ku noqdeen guryahooda markii la dhayey.

Dadka ku dhaawacmay weerarka waxaa ku jira Taliyaha Booliska degmada Hodan C/fitaax Bashiir Cali Mire iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdirisaaq Yuusuf Bahlaawi.

Xaaladda wadadii qaraxyada ay ka dhaceen ayaa saaka caadi kusoo laabatay, iyadoo ay isticmaalayaan gaadiidka iyo dadweynaha, inkastoo wali raadka burburka la dareemayo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarkani, xili hay’addaha amniga ay toogasho ku dileen shan nin uu hubeysan, kuwaasi oo isku dayay inay galaan Hotel-ka Safaxi, balse ay ciidamada toogteen.

Raggan la dilay ayaa ku lebisnaa tuutaha ciidanka amniga dowladda, iyadoo su'aallo la iska waydiinayo sida ay Al-Shabaab ku heshay dareeska iyo cida u fududeysay.

“Bartilmaameedka ugu ee qaraxu wuxuu ahaa Hotel Saxafi. Balse, ilaalada Hoteelka iyo ciidamada ku sugnaa xarunta CID-da ayaa toogasho ku dilay dhagar-qabayaasha,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda.

Dhanka kale, dowlada Soomaaliya oo ka hadashay weerarka waxay sheegtay inay utacsi udireyso ehelada dadkii ku dhintay weerarkani, xili ay ka dalbatay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha nabad-gelaydda.

Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isna ka fal-celiyay ayaa cambaareeyay weerarkii Isgoyska Km4 gaar ahaan hotelka Saxafi ee Muqdisho, xili uu murugada la qeybsaday dhibanayaasha.

"Anigoo ku hadlayay Magacayga iyo kan madaxweynaha waxaan cambaareynayaa falkii argagisinimo ee dhacay,dadkii ku geeriyooday Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo kuwii uu dhaawacmayna Caafimaad deg deg ah allaha ha siiyo,” ayuu yiri.

Weerarkaan oo noqonaya midkii ugu xooganaa in dhawanaahan ee ka dhaca caasiamda dalka ayaa kusoo aadaya xili uu jiro khilaaf siyaasadeed kaasoo ka mashquulisay madaxda inay xooga saaraan nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM