Khasaaraha weerarkii Al-Shabaab ee Awdheegle oo la fahfaahiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar kala duwan ayaa laga soo saaray khasaaraha weerarkii ay Al-Shabaab ku ekeysay saldhiga Ciidamadda Soomaaliya ee degaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, maanta oo Arbaco ah.

Illo wareedyo dhinaca ammaanka ah ayaa warsidaha Garowe Online u sheegay in duulaanka uu ku bilowday qaraxyo is-miidaamin oo gaadiid loo adeegsaday iyo guluf toos ah oo ay soo qaadeen rag ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamadda dhulka Soomaaliya, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, oo shaaciyey in ay iska caabiyeen weerarka ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in ay khasaaro culus gaarsiiyeen xubnaha weerarka soo qaadey.

"Annaga dhinaceena wax xoogaa dhaawacyo ah waa ay jiraan, laakiin dhankooda jab weyn ayaan gaarsiinay, ma aysan u noqon sidii ay doonayeen," ayuu u sheegay Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Inta la xaqiijiyey saddex ayaa ku naf-waysay dhacdadaasi oo laba kamid ah ay askar yihiin halka shaqsiga kale uu yahay sawir-qaade ka tirsanaa Idaacadda ku hadasha afka ciidamadda Soomaaliya ee SNA Radio.

Wariyaha oo lagu magacaabayey Gacal Cabdalla kaasi kaasoo ahaa shaqsi dhalinyaro ah ayaa wuxuu dhowaan ka qalin-jabiyey mid kamid ah Jamaacadaha ku yaala magaaladda Muqdisho, caasimadda waddanka.

Dhinaca kale, xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida oo guulo ka sheegtay is-miidaaminta ayaa tilmaamay in ay ku khaarijiyeen "askar badan", wallow aysan soo bandhigin tiradda saxda ah.

Qaraxan ayaa wuxuu kusoo hagaagayaa iyaga oo Taliska Ciidanka Soomaaliya uu shaaciyey in howlgal ay qaadeen uu ku dhaawacmay Sheekh Cali Maxamuud [Cali Dheere], afhayeenka Al-Shabaab.

Degaanka Awdheegle, oo 70 KM dhanka Koonfur Galbeed, uga aadan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa waxaa dhowaan laga saarey Al-Shabaab.

Laba sano, sidan oo kale markii ay ciidamadda qabsadeen tuuladan muhiimka ah, waxay la kulmeen weerar is-miidaamin, kaasi oo askar badan lagu dilay, kuna qasabtay in ay soo faarujiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Lagu Eedeeyay Inay Dagaalka Al-Shabaab Ka Leexisay Jidkiisa

Macawiisleyda Beesha Xawaadle ayaa si weyn uga dagaallama gobolka Hiiraan, waxayna door muuqda ku leeyihiin howlgalada lagaga saaray Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-06-2025

  • 08:31AM

Qaran Midoobaya Mise Kala Firdhaya? Wadahadallada Qaran oo Galay Mugdi Siyaasadeed 

Dooda siyaasadeed ayaa sii kululaatay kadib markii Xildhibaan Yusuf Gamadiid uu si cad u dhaleeceeyay dowladda dhexe.

  • Soomaliya

    10-06-2025

  • 07:51AM