Khasaaraha weerarkii wasaaradaha ee Muqdisho oo kordhay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa weerartay dhismayaal dowladeed oo ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku dishay 15 ruux.

Wasiir ku xigeenka shaqada, Saqar Ibraahim Cabdalla iyo askar kale oo Boolis ah ayaa kamid ah dadka dhintay, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta.

Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa weerarka ku bilaabay is-miidaamin ay xigtay in dabley ay galeen xafiisyada wasaaradaha.

Saraakiisha ayaa sheegay in Shan dabley ah oo duulaanka soo qaaday lagu khaarijiyay inta uu socday howlgalka badbaadinta.

Goobta la beegsaday oo ku taalla isgoyska Jubba ee degmada Shangaani ayaa waxay hoy u tahay wasaaradaha shaqada, howlaha guud iyo Booliska gobolka.

Al-Shabaab ayaa howlgalo noocaan ah ka fulisa caasimada dalka tan iyo markii laga saarey magaala madaxda sanadkii 2011-kii.

Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah Shabaabka Soomaaliya tan iyo markii uu xafiiska yimid Donald Trump.

Wasaarada difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in Al-Shabaab oo gacanta ku haysa qaybo badan oo dalka kamid ah ay wali awood u leedahay abaabulka weeraro.

Inta badan weerarada ay kooxda ka fuliso qaybo kamid ah wadanka ayaa isugu jira is-miidaamin, qaraxyo gaari lagu soo xiro, madaafiic iyo mid toos ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM