Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay duleedka Beledwayne

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle - Dagaal u dhaxeeya laba maleyshiyo oo kala  taabacsan beelo walaalo ah ayaa Arbacada maanta ah wuxuu ka dhacay degaanka Haar-caddey ee duleedka galbeedka Beledwayne.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dagaalka uu ka bilowday "is-qabqabsi beeleed" isla markaana uu gacan ka hadal si toos ah isugu bedelay habeenimadii xalay 4-ta bisha Maarso.

Taliska booliska dowlad goboleedka HirShabelle oo xaqiijiyey isku-dhaca ayaa xusay in xiisadda ay shalay taagneyd isla markaana kala dhex-galeen maleyshiyadda balse ay ka war heleen dagaalka xalay dhacay.

Cabdiwali Xasan Jimcaale, afhayeenka booliska HirShabelle, ayaa hoosta ka xariiqay in ay ciidamo u dirayaan meesha ay wax ka dhaceen "si ay u qaboojiyaan in iska-hor-imaad uu mar kale ka dhex-qarxo".

"Illaa hadda ma hayno wax dhimasho ah. Balse waxaa jira dhaawacyadda afar qof oo ah makharo iyo faasas la isla dhacay," ayuu yiri afhayeenka oo u waramay Idaacadda duhurnimo ee BBC Soomaali.

Mr Jimcaale oo dad uusan magacaabin ku eedeeyay "hurinta colaadda" ayaa ugu baaqay darafyadda diriraya in ay nabad ilaaliyaan isla markaana ay joojiyaan "dhiiga ay sababta maalaayacniga ah ku daadanay".

"Hadda aan kula hadlaayo ma jirto wax isku-dhac ah oo jira. Balse, waxaan halkaas u diri doonaa wafuud iyo ciidamo kale si loosii hubiyo in xaaladda ay deganaato," ayuu afhayeenka ku daray.

Gobolka Hiiraan oo Beledwayne ay xaruntiisu tahay waxaa tan iyo markii la doortey hogaanka cusub ee HirShabelle ka jirtay diidmo ka dhan ah maamulkaas taasoo ku saleysan in sheego ah "in la gacan-bidaxeeyay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM