Khasaaro ka dhashay madaafiic lagu garaacay agagaarka xerada Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laba qof oo shacab ah ayaa lagu waramay in ay ku dhaawacmeen madaafiic xalay lagu weeraray agagaarka xerada Xalane iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Hoobiyeyaasha ayaa tiradooda gaareysay afar, sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen dadka degaanka ah meesha ay wax ka dhaceen.

Lama ogga haddii tirro kamid ah madaafiicda ay gudaha ugu daateen qaybo kamid ah saldhiga iyo madaarka magaala madaxda waddanka.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkaas oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda federaalka ah iyo maamulka saldhiga Xalane.

Dhanka kale, Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda falkaas ayaa intaas raacisay in madaafiicda ay ku dhaceen gudaha xeradda.

Balse, warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa nan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadooda.

Dhowr jeer ayay horey u dhacday in weerar noocaan ah lagu ekeeyo xerada Xalane oo fariisin u ah diblumaasiyiinta safaaradaha caalamka iyo taliska howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya Midowga Afrika ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM