Khasaaro ka dhashay madaafiic lagu weeraray Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Laba qof ayaa waxaa lagu waramay in ay ku naf-waayeen shan kalana ay ku dhaawacmeen weerar madaafiic oo Khamiista maanta ah ka dhacay caasimadda Muqdisho.

Goobjoogeyaal u waramay warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay xaafadaha Obasiibka ee kaabiga ku haya xerada Xalane ee Muqdisho gaar ahaan laanta Gaabiyow.

"Mid kamid ah madaafiicda wuxuu ku habsaday guri dad shacab ah halkaasoo khasaaraha ugu badan uu ka dhacay," ayuu yiri mid kamid ah goobjoogeyaasha oo magaciisa uga gaabsaday sababo amni.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda laga helay dadka degaanka, mid kamid ah labada ruux ee geeriyooday waxaa lagu magacaabaa Cumar Maxamed Aamiin, halka ruuxa kale uu ahaa cunug yar.

"Tirro kale oo kamid ah hoobiyeyaasha waxay ku habsadeen guryo dad rayid ah. Inkasta oo aysan khasaaro nafeed geysan, haddana waxaa ka dhashay burbur maaliyadeed," ayay ku dareen.

Inkasta oo ciidamadda ammaanka ay tageen goobta ay wax ka dhaceen, haddana ma jiro wax war ah oo ay kasoo saareen falkaas iyo baaritaan ay ka sameeyeen goobta weeraro ka dhacay.

Weerarkan ayaa kusoo aaday iyaddoo xerada Xalane qorshuhu yahay in uu ku qabsoomo shir xal kama dambeys ah loogu goobayo is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM