Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho; hal qof oo loo xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhaawacantay kadib qaraxyo ka dhacay isgoyska 17-ka Occtober Ex-Soobe ee magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaiya, maanta oo Sabti ah.

Saraakiisha booliska ayaa u sheegay Garowe Online in qaraxa uu ka dhashay gaari nooca raaxada ah oo wadada dhinaceeda la dhigay.

Laba ruux ee dhaawacantay ayaa la sheegay in ay ahaayeen shacab wadada marayey, sidda laga soo xigtay bileyska.

Dhanka kale, laamaha ammaanka ayaa tilmaamay in la qabtay hal ruux, kaasoo la tuhunsan yahay in uu gaariga meesha dhigay.

Gaariga qaraxa lagu rakibay ayaa la sheegayaa in uu leeyahay shaqsi ka shaqeeya madaarka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Illo wareedyo ayaa u sheegay mareega GO in ruuxaas la geeyay xarunta CID-da, halkaasi oo su’aallo la xiriira falkaan lagu waydiinayo.

Ma jirto koox ilaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkan, balse dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa looga bartay dhacdooyinkan.

Isgoyska Soobe oo ah meel mashquul badan ayaa lagu xasuustaa qaraxii dhimashadda badan keenay ee 17-kii October 2017-kii, kaasoo galaaftay nolosha boqolaal ruux ayna ku waxyeeloobeen tirro kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM