Khasaaraha ka dhashay qaraxii Muqdisho oo laga warbixiyey

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dhimatay qarax ismiidaamin ah, oo saakay ka dhacay bar contarool oo ku taalla Ex-control Afgooye, ee galbeedka Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa ismiidaamin loo adeegsaday gaari ayaa la sheegay in lagu weeraray xafiiska canshuurta ay ku qaadaan ciidamada booliska dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana goobta xilligaasi ahayd mid mashquul badan.

Gaadiid badan oo shacab ay la socdeen ayaa goobta ku burburay, waxaana lagu soo waramayaa inay ku dhinteen qaraxa Injineero u dhashay Turkiga oo ka shaqeynayay dhimaha wadada dowladda Qatar maalgelinayso ee caasimadda ku xirta Afgooye.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo kamida Muqdisho, iyadoo sawirada laga soo qaadey barta-koontarool ay muujinayaan burbur iyo gaaduud gubtay, waxaana halkaasi ay gaadiidka gurmadka kasoo qaadeen meydadka iyo dhaawacyada.

Arday Jaamaceed ayaa lagu soo waramayaa inay kamid yihiin khasaaraha qaraxa. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashada ay gaareyso ku dhawaad 90 qof, balse wali lama xaqiijin tiradaas.

Duqa Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish, ayaa tilmaamay in dhimashadda ay aad u badan tahay, wallow uu ka gaabsaday in uu shaaciyo tiradda guud.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan oo noqonaya midkii 3aad oo sanadkaan lala beegsado Ex-koonatrool Afgooye, halkaasi oo lagu qaado casnhuur sidoo kalena lagu baaro gaadiidka ka yimaada gobollada Koonfurta ee soo gala Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM