"Khatar ka dhalan karta" heshiis ay DF la gashay Qadar oo laga digay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyadda oo dowladda Soomaaliya ay Sabtida maanta ah ku dhawaaqday in ay Qadar la gashay heshiis ah wada isticmaalida dayax-gacmeed, ayaa waxaa laga soo saarey digniin.

Ismaaciil Cismaan, taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya, oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga, wuxuu ku sheegay in dayax-gacmeedka uu yahay mid wax lagu basaaso.

Turkey’s Gokturk-1 Reconnaissance Satellite ayaa Dooxa waxay u adeegsataa in ay ku basaasto dowladaha ay is-hayaan ee Khaliijka, sidda uu ka dhawaajiyey Cismaan.

Isqabqabsiga wadamada Khaliijka oo haatan ka jira wadamada dhaca gobolka Bariga Afrika ayaa xoogiisa waxaa Soomaaliya aad loo dareemay sanadkii lasoo dhaafay 2018.

Sidda laga soo xigtay Cismaan, nuxurka heshiiska waa in Qadar ay Soomaaliya ku isticmaali karto dayax-gacmeedka "taasoo keeneysa mishaakil iyo dhibaato Soomaaliya uga timaado dagaalka Joqraafiyadeed".

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu Mr Cismaan ku tartarsiiyey in ay tafaasiil dheeraad ah ka bixiso waxa uu yahay heshiiskan ay qalinka ku duugtay.

"..ma aha mucaarad ama muxaafad balse waxaan arkaa mushaakil aan maanta diyaar u ahayn oo aqoon darro haysa madaxda dalka ay nagu hagayaan," ayuu sarkaalka ku daray hadalkiisa.

Dowladda Farmaajo ayaa xiriir dhow la lahayd xukuumadda Dooxa tan iyo markii la doortay 17-kii bishii Febraayo 2019-kii, waxaana lagu eedeeyaa in khilaafka Khaliijka ay si toos ah ula safatay Qadar.

QORAALKA CISMAAN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM