Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo Dhuusamareeb soo gaaray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Dhuusamareeb, oo ah xarunta maamulka Galmudug.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha. Ammaanka ayaa sarre loo qaadey si looga hortago falal lidd ku ah amniga.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi ah la qaadanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug.

"Khayre ayaa sidoo kale waxuu u kuur geli doonaa arrimaha horumarinta bulshada, mashaariicda horumarineed iyo xaaladda amniga ee deegaanka," ayuu yiri xafiiskiisa.

Socdaalka wasiirka koowaad ee xukuumadda Muqdisho ayaa kusoo aadaya xili la filayo in maalmaha soo aadan lagu dhawaaqo liiska Xildhibaanada cusub ee Galmudug.

26-kii bishaan December, 2019, ayuu qorshuhu ahaa in uu Khayre u duulo Dhuusamareeb, hase ahaatee, waxaa dib u dhigay qaraxii cuslaa ee isgoyska Ex-kontarool Afgooye.

Dhuusamareeb ayaa la filayaa in ay bisha Janaayo ee sanadka cusub 2020-ka ay martigeliso doorashadii ugu horeysay ka dhacda Galmudug oo Ahlu Sunna qayb ay ka tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM