Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo Dhuusamareeb soo gaaray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Dhuusamareeb, oo ah xarunta maamulka Galmudug.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha. Ammaanka ayaa sarre loo qaadey si looga hortago falal lidd ku ah amniga.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi ah la qaadanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug.

"Khayre ayaa sidoo kale waxuu u kuur geli doonaa arrimaha horumarinta bulshada, mashaariicda horumarineed iyo xaaladda amniga ee deegaanka," ayuu yiri xafiiskiisa.

Socdaalka wasiirka koowaad ee xukuumadda Muqdisho ayaa kusoo aadaya xili la filayo in maalmaha soo aadan lagu dhawaaqo liiska Xildhibaanada cusub ee Galmudug.

26-kii bishaan December, 2019, ayuu qorshuhu ahaa in uu Khayre u duulo Dhuusamareeb, hase ahaatee, waxaa dib u dhigay qaraxii cuslaa ee isgoyska Ex-kontarool Afgooye.

Dhuusamareeb ayaa la filayaa in ay bisha Janaayo ee sanadka cusub 2020-ka ay martigeliso doorashadii ugu horeysay ka dhacda Galmudug oo Ahlu Sunna qayb ay ka tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM