Khayre oo amray in min hal milyan la siiyo maamulada iyo gobolka Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka Covid-19.

Khayre oo xalay guddoomiyay kulanka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 oo ku qabsoomay mareegta Internet-ka, ayaa wasaaradda maaliyadda ku amray fudueynta min hal Miyan oo doollar oo si degdeg ah lagu gaarsiiyo maamullada dalka.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimmadda ay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka caabuqan.

Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee deegaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin, waxayna soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah.

Xaalada cudurkaas ee gudaha dalka ayaa sii xumaaneysa iyaddoo kiisaska laga xaqiijiyey guud ahaan waddanka ay marayaan 60, oo badankooda laga soo sheegay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidoo kale, Muqdisho waxaa laga soo sheegay geerida laba ruux oo mid kamid ah uu yahay wasiir ka tirsanaa HirShabelle, kaasoo dhimashadiisa ay su'aallo badan ka dhasheen.

Shaacinta lacagtaan oo lagu sameeyay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Khayre ayaa nan lagu soo hadal-qaadin Somaliland oo gooni u goosad ah, balse horey u codsatay in lasoo gaarsiiyo qoondadeeda ku aadan deeqaha caalamka ee xanuunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM