Khayre oo ka hadlay sababta DF u bixin wayday mushaarka ciidamada

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay sababta keentay mushaar la'aanta qeybo kamid ah ciidamada xoogga dalka.

Khayre ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay bixiso mushaarka ciidamada horey loo diiwaan-geliyay, kuwaasoo ku qaato xuquuqdooda akoono looga furay Bangiyada ku yaalla Muqdisho iyo goobaha kale ee ay ka howlgalaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Ra'iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Askarta aan helin mushaarka ay yihiin kuwa aan dowladda u diiwaan-gashaneynin, oo ilaalo ka ah Huteello iyo Shaqsiyaad gaar ah.

"Waxaan rabaa inaan u sheego Taliye xoogga, Taliyaha booliska iyo cid walba oo garaado haysata waa inaan ku heshiinaa in ciidamada la diiwaan-geliyo, oo xeryahooda joogaan," ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaa xusay in inta uu isaga joogo xafiiska aysan dhici doonin in Askari isagoo u shaqeynaya meelo gaar ah, uu mushaar usoo doonto dowladda Soomaaliya.

Hadalka Ra'iisul Wasaaraha ayaa imaanaya xilli la sheegay in cutubyo katirsan ciidamada ay kasoo baxeen fariisamahooda gobollada qaar ee dalka, oo Shabeellaha Hoose kamid yahay.

Tan iyo markii cabashada ciidanka soo ifbaxday, Al-Shabaab ayaa la wareegtay degaano muhiim ah, waxayna xalay si kooban u qabsatay degmada Balcad, oo 30-KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa daboolka ka qaadey in Mareykanka, Turkiga iyo Imaaraadka ay bixin jireen mushaarka ciidamada dowladda, balse hadda lagu bixiyo canshuurta laga qaado muwaadiniinta.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM