Khayre oo telefoonka kula hadlay madaxweyne ku-xigeenka Turkiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda Turkiga uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ka dhalatay dhul gariirkii ka dhacay gobalka Elazig ee Bariga dalkaas.

Khayre oo khadka Taleefoonka kula xiriiray madaxweyne ku-xigeenka Turkiga, Fuat Oktay, ayaa u muujiyay sidda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga tiiraayoonayaan dhibaatadii ka dhalatay dhul Gariirka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay dadka waxyeeladdu kasoo gaatay dhul gariirka in si dhaqsa leh ay ku bogsadaan.

In ka badan 25 ruux ayaa ku geeriyootay musiibada rabaaniga ah oo laga dareemay magaaladda Sivrice ee gobolka bariga waddankaas ku yaala ee lagu magacaabo Elazig.

Sidda ay sheegtay Hay'adda ka hortaga Musiibooyinka, waxaa ku dhaawacmay dhul-ruxanka in ka badan kun qof.

Macluumaadyo horudhac ah ayaa muujinaya in burburka maaliyadeed ee ka dhashay dhul-gariirka uu aad u badan yahay.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay lahaa xiriir fiican oo diblumaasiyadeed, waxaana xukuumada Ankara ay haatan waddanka ka wadaa mashaariicyo horumarineed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM