Khayre oo ku wajahan Washington iyo ujeedka oo la ogaaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa lagu wadaa in 8-da bishaan April uu u ambabaxo dalka Mareykanka, sidda uu ogaaday warsidaha Garowe Online.

Socdaalka wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ee magaalada Washington oo qaadan doona muddo shan Casho ah ayaa ujeedkiisu yahay ka qaybgalka shir ka dhacay halkaasi.

Shirkaasi oo u dhaxeeya madaxda hay’adda lacagta aduunka iyo Bankiga Aduunka ayaa qodobada looga hadlayo waxaa kamid ah dayn cafinta Soomaaliya oo soo jiitameysay bilooyinkii u dambeeyay.

Xogta uu helayo GO ayaa sheegaysa in Khayre oo ay ku wehlin doonan safarkiisa in ka badan 10 xubnood oo ay wasiiro kamid yihiin ayaa inta uu joogo Mareykanka la kulmay dhinacyo kala duwan.

Mas'uuliyiinta maamulka Donald Trump ee uu ra'iisul wasaare Khayre la fariisanayo waxaa kamid ah John Bolton, oo ah lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka.

Fahfaahinta waxay kawada hadli doonan ayaa ah mid aanan wali la ogayn, balse waxaa la sheegayaa in ay isla soo qaadi doonan amaanka, dagaalka argagixisada iyo arrimo kale.

Soomaaliya oo lagu leeyahay in ka badan 3 milyan oo dayn ah ayaa xukuumada haatan jirta waxay xusul duub u gashay sidii looga cafin lahaa daymahaasi, taasoo shuruudo lagu xiray.

Shuruudahaasi oo qaarkood ay kasoo baxday Muqdisho, qaar kale ay k baaqi ku yihiin waxaa kamid ah la dagaalanka musuq-maasuqa, daahfurnaan maaliyadeed iyo hagaajinta dakhliga gudaha.

Mareykanka ayaa safka hore uga jiray wadamada taageeraya in daynta laga cafiyo Soomaaliya xili danjiraha u jooga Muqdisho uu rajo wanaagsan ka muujiyay arrinkaasi.

Bishii Maaj 2018 ayay ahayd markii ra’iisul wasaare Khayre uu u safray Mareykanka gaar ahaan Washingtong, halkaasoo uu uga qaybgalay shir looga hadlay dalalka soo koraya oo uu Bankiga Aduunka isku soo dabariday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM